Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson oo la sheegay in uu baajiyay booqasho uu Muqdisho ku iman lahaa

0 142

Xoghayaha Difaaca UK Gavin Williamson oo la sheegay in uu baajiyay booqasho uu Muqdisho ku im)Difaaca dalka UK Gavin Williamson ayaa lagu waramayaa in uu baajiyay safar uu ku iman lahaa magaalada Muqdisho iyo kulan lagu waday in uu la qaato madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida lagu daabacay Wargeyska Independent ee ka soo baxay dalka Britain.

Taa badalkeeda Gavin Williamson ayaa booqday Dalka soomaliland caasimadiisa  Hargaysa isaga oo kulan la yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wada hadleen arrimo u badnaa xoojinta xiriirka labada dhinac.iyo sidii ciidamada soomaaliland loo siin lahaa tababar xoogan oo u dhigma dhigooda geeska afrika.

waxaa kale oo laga wada hadlay in safiir cusub oo ugaara soomaaliland loo soo bedeli doono caasimada Soomaaliland ee HARGAYSA.

In xoghayaha difaaca dalka Britain uu baajiyo safarkiisii Muqdisho ayaa lagu micneynayaa khilaafka ka dhashay go’aankii dowladda Soomaaliya dalka ugu ceyrisay wakiilkii Qaramada Midoobey ugu Qaabilsanaa siyaasada Soomaaliya Nicholas Haysom oo ay dowladda ku eedeysan in uu ka baxay nidaamkii Diblomaasiyadda.

Dowladda Soomaaliya wali kama aysan hadal warka ku saabsan xoghayaha difaaca uu ka baaqday safar uu ku iman lahaa Muqdisho iyo sida ay u aragto safarka uu ku tagay magaalada Hargeysa. Iyada oo dowlad Britain ay quus ka taagan tahay dowlada soomaalia waxay danteeda ka dhex aragtay dowlada soomaaliland oo iyadu ah wadan 30 sano kudhowaad ka go,ay soomaalia, nabadgelyo iyo xasiloonina ay ka jirto, sidaa daraadeed dowlada Britain waxay danaheeda ka dhex aragtaa wakhtixaadir kan in ay ku jirto dowlada soomaaliland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.