HORDHAC: Everton vs Chelsea – Blues Oo Gacan Ku Qabsan Karta Premier League & Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Goodison Park.

0 215

HORDHAC: Everton vs Chelsea – Blues Oo Gacan Ku Qabsan Karta Premier League & Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Goodison Park.

HORDHAC: Everton vs Chelsea – Blues Oo Gacan Ku Qabsan Karta Premier League & Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Goodison Park.
by kaalinews.net” | Sunday
Chelsea ayaa marti ku ah gobolka Merseyside waxeyna ka hortageysaa kooxda Everton iyadoo dadaal badan ugu jirta iney talaabo weyn u qaado hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkaan.

Qof walba wuxuu xasuusanayaa markii ay Chelsea sanadkii 2014 lugooyo u dhigtay Liverpool oo ka socota Merseyside markaas oo 2-0 lagu suldaaray, Miyey Everton u aargudi doontaa kooxda ay dariska yahiin si ay ugu yaraan u dhibaateyso Blues?

Si kastaba Conte iyo ciidankiisa waxey geed walba u fuuli doonaan iney guul ka helaan Everton iyo macalin Ronald Koeman sidoo kale waxey ka wardhowri doonaan natiijada kulanka North London Derby ee ka dambeeya waqti ahaan.
WARBIXINTA KULANKA:
Kulanka: Everton vs Chelsea
Tartanka: Premier League
Garoonka: Goodison Park
Saacadda: 4:05 Galabnimo (XGA)
Garsoore: Jon Moss (England)
Hashtag: #KulankaEveche
MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?
EVERTON:
Enner Valencia ayaa dib ugu soo laaban kara Everton kadib markii uu ka hortagi waayay kooxda iska leh ee West Ham, ma jiro xidig dhaawac kasoo laabanaya oo ka tirsan Toffees.
Kooxda martida loo yahay ayaa dhaawac ku weyn doonta xidigaha kala ah: Muhamed Besic, James McCarthy, Ramiro Funes Mori, Yannick Bolasie, Seamus Coleman iyo Aaron Lennon.
CHELSEA:
Chelsea wax dhibaato ah ma qabto, Antonio Conte ayaana la rajeynayaa inuu isticmaalo safkiisii caanka ahaa taasoo la micno ah in Hazard iyo Costa ay kusoo bilaabanayaan.
XAQIIQADA KULANKA:
Everton ayaa guul gaartay shan ka mid ah 7-dii kulan ee ay Goodison kusoo dhaweysay Chelsea kulamada Premier League, kaliya 2-guuldaro ayey ka gudoontay, waana in laba ka badan rikoorkii ay ka heleen 17-kii kulan ee ka horeeyay kulamada tartankaan.
Marka laga tago Spurs oo ay ka dhalisay 92-gool – Chelsea kooxda labaad ee ay goolasha ugu badan ka dhalisay Premier League waa Toffees (80-gool).
Diego Costa ayaa si toos ah uga qeyb qaatay lix (6) gool, afar (4) kulan oo Premier League ah oo uu wajahay Everton, (4-gool iyo 2-caawi).
Cesc Fabregas ayaa ka qeyb qaatay sideed (8) gool, todobadii (7) kulan ee ugu dambeysay oo uu wajaho Toffees kulamada herka koowaad. (4-gool iyo 4-caawinaad)
Romelu Lukaku ayaa ku fashilmay inuu gool ka dhaliyo dhamaan shantii kulan oo uu ka hortagay kooxdisii hore ee Blues isagoo xiran maaliyadda Everton kulamaada Premier League, 12-kubad ayuu isku dayay.
LINE UPKA MACQUULKA AH:
Everton:
Stekelenburg; Holgate, Jagielka, Williams, Baines; Gueye, Schneiderlin, Davies; Barkley, Lukaku, Mirallas
Chelsea:
Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Fabregas, Kante, Alonso; Willian, Costa, Hazard

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.