Tababar ku saabsan cudurada Dilaaca oo ay soo Gabagabaysay Wasaarada Caafimaadka ee DDSI

0 213

Tababar ku saabsan Cudurada Dilaaca oo wasaarada Caafimaadka ee DDSI ay soo Gababgabaysay.

 

Jigjiga(kaalinews.net) . Waxaa hoolka shirarka ee xafiiska caafimaadka DDSI lagu soo gabagabeeyay tababar muddo 15 maalmood ah u socday xubno ka socday cusbitaalada, qaarka mid ah xarumaha caafimaadka, rugaha caafimaadka iyo macahadyada waxbarashada caafimaadka ee deegaanka.Tababarkan oo ay ujeedadiisu ahayd sidii xubnahan fahan buuxa looga siin lahaa nidaamka maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca gaar ahaan cudurka shuban biyoodka soo xidhitaankiisii ka soo qaybgalay masuuliyiinta xafiiska caafimaadka iyo masuuliyiinka socday hayada ay bahwadaagta yihiin xafiiska.

Hadaba xidhitaankii tababarkan ayaa waxaana ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ka warbixiayay ahmiyada iyo ujeedooyinkii tababarka isaga oo sheegay in uu qayb ka yahay dadaalka loogu jira kor u qaaditaanka iyo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka gaar ahaan xoojinta dhinaca maaraynta iyo ka hortaga cudurada dilaaca wuxuuna kula dar-daarmay tababartayaashan in ay sidii loogu talagalay u hirgaliyaan kana hirgaliyaan cusbitaalada, xarumaha caafimaadka iyo rugaha caafimaadka ee ay ka socdaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.