Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka

0 244

Kulan Lagaga Hadlayay dar-dargalinta Adeegyada Caafimaadka.

Jigjiga(kaalinews.net).Kulan uu hogaaminayay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin sare oo ka socotay hay’adaha ay xafiiska caafimaadka DDSI bah-wadaagta yihiin gaar ahaan haay’adaha kala ah UNICEF, WFP, OCHA, WHO, MSF iyo masuuliyiin ka socday xafiiska horumarinta khayraadka biyaha DDSI ayaa ka dhacay xafiiska wasiirka caafimaadka DDSI.

Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd mid ku saabsan xoojinta iyo dar-dargalin guud ahaan adeegyada caafimaadka, sidii looga hortagi lahaa cudurada faafa, gaar ahaan sidii looga hortagilahaa loona xakamayn lahaa cudurka shuban biyoodka, kor u qaaditaanka fayadhawrka caafimaadka iyo sidii loo adkayn lahaa dhinaca wacyigalinta bulshada.

Waxaana ugu horayntii kulankaasi ka hadlay wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil oo ka warbixiyay dadaalka xoogan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto kor u qaadida tayada adeegyada caafimaadka, wasiirka ayaa sheegay in xukuumada DDSI ay xooga saartay sidii loo xakamayn lahaa loogana hortagi lahaa cudurka shuban biyoodka islamarkaana laga gaadhay guulo waawayn xakamaynta iyo ka hortaga cudurkaasi wasiirka ayaa u mahad celiyay hay’adahan ay bahwadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI sida balaadhan ee ay uga qayb-qaateen adeegyada caafimaada isaga oo intaa ku daray in loo baahan yahay in iyada oo la iskaashanayo la sii xoojiyo dar-dargalinta tayada adeegyada caafimaadka.

Dhankooda masuuliyiintii ka socotay hay’ada ay bah-wadaagta yihiin xafiiska caafimaadka DDSI ayaa sheegay in ay si mug leh u garab taagan yihiin dadaalka balaadhan ee ay xukuumada DDSI ugu jirto xoojinta tayada adeegyada caafimaadka waxayna intaasi ku dareen in ay dhankooda adkaynayaan fulinta qorshayaasha lagaga midho dhalinayo xaqiijinta tayada adeegyada caafimaadka DDSI.
Next >

Links

Aiguforum
srswaterbureau
xogogaalonline.com
nogobnews.com
srsrevenue.net
srsediaspora.com
waamonews.com
es-tv.net

Kadinka
Sitemap
Contact us

Copyright © 2017 Cakaara News. All Rights Reserved.

Joomla! is Free Software released under the GNU General Public License.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.